Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta daahfuray kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ka qabsoomay xarunta kumeel gaarka ah Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Daahfurka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sar sare oo ka mid yihiin guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa guddoomiye ku xigeen, guddoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo labadiisa ku xigeen, Raysal wasaaraha Soomaaliya, guddoomiyaha Maxkamadda sare, guddoomiyeyaasha Golaha Wakiiladda maamul goboleedyada dalka, Mudanayaasha labada Aqal iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kalfadhiga labaad ee Baarlamaaka Soomaaliya maanta daahfuray ayaa u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneyaay mudanayaasha labada Aqal, isagoona sheegay in dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab ineysan dib uga laaban doonin ilaa kooxda Shabaab dalka guud ahaantiisa laga xureynaayo.

“Maanta Dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn. Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta. Waan soo waayay jid aan ahayn in aan difaacno karaamadeenna , islaanimadeena iyo qaranimadeena” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda dowladiisa ay lafdhabar u tahay iney soo dhaweysato cid walba oo ka taageereysa arrimaha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

“Waa in aan isku garab siino shacab iyo dowladba, sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn halkaas cadaw ee aan maanta leenahay, dib u xoreynta dalka oo dhan waa waddada kaliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sarreeyo” ayuu yiri Madaxweynaha Soo.aaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka codsaday in ay fududeeyaan dhamaan sharciyada horyaala labada Gole ee uga imaaday dhanka Xukuumadda Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY