Madaxweynaha Soomaaliya oo amar ku bixiyay in gobolka Banaadir lagu beero 100,000 geed mudo labo bilood ah.

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah, isagoona ku beeray guriga Umadda Soomaaliyeed geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo uu madaxweynaha sheegay in la doonayo in lagu dhireeyo guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhirta lagu beerayo guud ahaan dalka ay ahmiyadda weyn u leedahay dalka, marka loo eego abaaraha soo noq noqday iyo in dhirta cagaaran ay tahay mid u roon arraga indhaha, wuxuuna madaxweynaha uu amar ku siiyay duqa magaalada Muqdisho iyo Wasaaradda Bay’adda in gobolka Banaadir inta ka dhiman sanadka 2022-ka in lagu beero 100.000 oo geed.

“Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxu sidoo kale faray madaxweynaha hay’adaha dowladda inay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan, isagoona ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka iney guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku talaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka oo ay dowladdu diyaarisay.

SHARE

LEAVE A REPLY