Madaxweynaha Soomaaliland oo mudo kordhin labo sano ah loo sameeyay

0

Golaha Guurtida Somaliland ayaa 2 sano ku kordhiyay muddo xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo muddo xil heyntiisa Dastuuriga ah ku siman 13ka November 2022 balse Golahaan uu u gudbiyay codsiga xil dheereenta ah.

Golaha ayaa sidoo kale ku darsaday waqti dheeraad ah, guddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in marka la eego xaaladaha taagan & ballaarinta Xisbiyada, Ururrada Siyaasadda & diyaargarowga aanay ku qabsoomi Karin waqtiga doorashada uu dastuurka dhigayo.
Buuq ayaa hareeyay fadhiga kahor iyo kaddib codeynta, xubnaha Golaha Guurtida ee Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa si weyn uga hor yimid in waqti dheereen loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Saxaafadda ayaa laga saaray dhismaha Golaha Guurtida kaddib markii guddoonka uu dalbaday in codeynta kahor loo baahan yahay in bannaanka loo bixiyo si uu u yaraado buuqa ka dhashay ajandaha fadhiga ee muddo kordhinta ah.

Guddoomiyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani & UCID ayaa si cad uga hor yimid muddo kordhinta, waxa ay sheegeen in wixii ka dambeeya November 2022 xilka & xarunta Madaxtooyada ay u siman yihiin Madaxweyne Muuse Biixi.

Axsaabta Mucaaradka ayaa qorsheynaya in ay dib u abaabulaan dibadbaxyada ka dhanka ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa dhawaan diiday in isusoobax kale ay qabtaan Mucaaradka.

SHARE

LEAVE A REPLY