Madaxweynaha dalka Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay dhigiisa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa soo dhaweyn kadib waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo lagu wado in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ku wada yeeshaan wadahadalo.

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa loo xiray imaashaha magaalada Muqdisho ee madaxweynaha dalka Jabuuti, iyadoo laamaha amaanka ay sheegeen in looga gol leeyahay xeritaanka wadooyinka adkeynta amaanka magaalada oo marti galneysa madax sare.

Ujeedada safarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu sheegay iney Maanta ay si wadajir ah xarigga uga jari doonaan isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xarunta cusub ee Akeddeemiyad goboleedka Af Soomaaliga oo laga horgaliyay magaalada Muqdisho.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in martida ka qeyb galeysa daahfurka xaruntan uu ka mid yahay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar iyo marti kale oo ka imaaneysa dalka Kenya.

SHARE

LEAVE A REPLY