Madaafiic culus oo lagu garaacay degmada Xarardheere

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Madaafiic loo adeegsaday oo Xalay Ururka Al-shabaab ay ku qaaday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Madaafiicda lagu garaacay gudaha magaalada Xarardheere ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa lix hoobiye oo lasoo warinayo iney ku dhaceen  xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyeyaasha lasoo sheegayo iney ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah oo ka agdhawaa Saldhiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ku qaada deegaanada iyo degmooyinka ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Magaalada Xarardheere oo dhacda Koonfurta gobolka Mudug ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee dhawaan lagala wareegay Kooxda Al-shabaab oo mudo badan ka talin jirtay halkaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY