Laba Walaalo ah oo dil iyo dhaawac loo geystay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa toogasho khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday magaalada Boosaasl ee xarunta gobolka Bari.

Macluumaadka la helayo ayaa sheegaya in Ilaalada wasiirka dekedaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax ay shalay Boosaaso ku dileen Cabdirisaaq Yaasiin Maxamed, halka dhaawac daran ay soo gaartay Fahad Yaasiin Maxamed , labadan wiil ayaa ahaa walaalo.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in xiliga falkan dilka iyo dhaawaca ay geysanayeen askarta uu gaariga saarnaa wasiirka, iyagoo ka shakiyay gaariga kale ee ay saarnaayeen labadan walaalo ah ee dilka iyo dhaawaca loo geystay.

Ehelada dhibanayaasha ayaa maamulka Puntland ka dalbaday cadaalad iyo iney si deg deg tiirka loo keeno askartii falkaasi dilka ah ka danbeysay oo aan wali sharciga la horkeenin.

SHARE

LEAVE A REPLY