Kenya oo dhaqdhaqaaq culus ka bilaawday xadka Soomaaliya

0
A Kenyan police officer observes motor vehicle traffic near the scene where armed assailants killed three people and injured two others in Nyongoro area of Lamu County, Kenya January 2, 2020. REUTERS/Stringer NO RESALES. NO ARCHIVES

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa billaabay howlgallo lagu sugayo amniga deegaannada Dalkaas ee xiga Xadka Soomaaliya si looga hortago in dagaalamayaal katirsan ‘AS’ ay gudaha waddankaas u gudbaan.

Saraakiil katirsan Booliiska Kenya ayaa sheegay in howlgalladaan ay yihiin kuwo joogta ah oo marweliba lagula soconayo dadka ka gudba Soohdinta si aanay ugu dhex dusin xubno katirsan ‘AS’ oo damacsan in ay xadka ka gudbaan.

Waxa ay intaas ku dareen in qorshaha ‘AS’ uu yahay in ay falal amniga liddi ku ah ka geystaan gudaha Kenya balse Ciidanku ay u diyaarsan yihiin la socodka dhaqdhaqaaqa Dadka looga shakiyo in ay katirsan yihiin ama xiriir wadaagga ay yihiin.

Dowladaha Soomaaliya & Kenya ayaa dhowaan ku heshiiyay dib u furista Xadka ay wadaagaan iyada oo howshaas lagu qabanayo muddo aan ka badneen 90 cisho sida ku xusan heshiiska ay wadagaleen mas’uuliyiinta labada dhinac kala metaleysay.

Kenya waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwo toos ah oo rag katirsan ‘AS’ saacado ka dagaalameen dhismo ku yaalla Mandheera, Nairobi & Keynta Laamu waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.
Si loola socda dhaqdhaqaaqa dhanka soohdinta waxa ay Kenya kordhisay Ciidamada Booliiska ah oo qaarkood wata Gaadiidka Ciidan, Dhowr neef oo Geel ah & saldhigyo cusub oo ay ka dhisteen meelaha ugu badan ee weeraradu ka dhacaan.

SHARE

LEAVE A REPLY