Jenaraal Biixi oo sharaxaad ka bixiyay wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka Shabaab

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo guulaha ciidanka dowladda ay gaareen saacadahii lasoo dhaafay.

Janeraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ugu horeyn sheegay in wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee haatan ka socda qeyba ka mid ah gobolada dalka inuu ka kulul yahay wajigii hore.

“Ciidanka maanta dagaalamaya cadow ma hor istaagi karo, Wajigan labaad ee dagaalka waa ka abaabul iyo awood badan yahay wajigii hore oo qorshe adag ayaan u diyaarinay” ayuu yiri Jenaraal Biixi.

Taliyaha ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay howlgalo culus oo ay ciidamada dowladda kula wareegeen deegaano ka tirsan Bariga gobolka Galgaduud oo xaduud wadaag la ah gobolada Hiiraan iyo Shabeelllaha Dhexe.

“Guulo muhiim ah ayaan gaarnay oo dharbaaxo ayaan la dhacnay Shabaab, Maanta ciidankeenu wuxuu joogaa dhul aad u muhiim ah, tusaale waxaa idin kugu filan Budbud oo aan qabanay waxay isku socodka Khawaarijta u ahayd muhiim. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa ciidanku wuxuu ku socdaa si xowli ah, waxaana ku ciidi doonaa magaalooyin waaweyn oo hadda ka maqan gacanta dowladda ” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Biixi.

Wuxuu sidoo kale uu xusay in ciidanka xoogga dalka in howlgalada iyo guulaha ay gaareen ay ku garabsiin hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoona tilmaamay in kooxda Shabaab haatan ay yihiin waxa uu ugu yeeray naf la caari

“Xogta waxaa na siiya dhacabka, ilaa Ceelbuur kuwa naga soo wacaya waxaan leenahay deg deg ayaan idiin soo gaareynaa, han sugi waayina” ayuu yiri Jen Biixi.

Hadalka Jeneraalka ayaa imaanaya, iyadoo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay saacadahii lasoo dhaafay gacanta ku dhigeen dhul balaaran oo ka tirsan Galgaduud oo ay kala wareegeen Ururka Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY