Isbitaalada Muqdisho oo lacago ku xiray dadka doonaya iney dhiig u shubaan dhaawacyada

0

Qaar ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay lacag ka qaadaan dadka Soomaaliyeed ee dhiigooda ugu tabarucaya shacabkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Sabtidii shalay ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Lacagta laga qaadayo dadweynaha ayaa dhan illaa 30 dollar, sida ay muujinayaan dukumintiyo kala duwan ooay heshay Shabakadda Xogsheeg.com.

Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay walaac xoogan, ayadoona si weyn baraha bulshada loogu faafiyey cabasho la xiriirta tallaabadaan.

Dadka shacabka ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa arrintaan ku dhaleeceeyey isbitaallada, ayaga oo tilmaamay inay ka macaashayaan dhibaatada soo gaartay dhibanayaasha.

SHARE

LEAVE A REPLY