Hooyo Racwi Cismaan “Wiilkeyga 10 kun oo Sharci daro ah ayay weydiiyeen wuu dhibay hadana wey dileen”

0

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa 10 kun oo Shilin Soomaali u dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay Mooto Bajaaj xili uu maraayay Carbiska ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Wiilkaan dhalinyarada ahaa ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Jabuuti, waxaana la sheegay inuu bixiyay 10-ka kun ee uu u dilay, hayeshee askari ku sugnaa goobta Isbaarada aheyd uu mooto kale kusoo bursaday Marxuumka kadibna uu xabad ku dhuffay.

“Marxuumka waxaa loo dilay si bareer ah isago baxshay lacag 10 kun oo baad aheyd ayaa hadana askari isbaarada joogay intuu mooto Fekon ku bursaday sidii cadawgii ayuu xabad si bareer ugu dhuftay asagoo lacagta waan bixiyay maxa iga rabta, dhiig baxa ayuuna u dhintay xabada xidid halbowle ah ayay uga dhacday” ayuu yiri qof goob jooge ahaa.

Goobjoogaha ayaa intaasi ku daray in askariga markuu dilka geystay inuu qorigii ku wareejiyay aakartii kale ee Isbaarada la jooggay, dabadeedna uu goobta isaga baxsaday iyadoo cidna aysan la hadlin.

Hooyada dhashay marxuumka dhintay oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in wiilkeeda uu ahaa qofka kaliya ay ku tiirsaneyd noloshooda, taasoo markii loo soo sheegay dhimashada wiilkeeda laba jeer miir daboolantay waxayna dowladda Soomaaliya ka codsatay in Cadaalada loo horkeeno askariga dilay Wiilkeeda.

“Wiilkeyga xaqdara lagu dilay lacagtii la weydii isagoo dhiibay ayaa hadana si bareer xabad loogu dhuftay, wuu noo shaqo tagay subaxnimadii hore xooga markuu naga sii maqan yahay kadib waxaa leysoo sheegay in wiilkeyga uu dhintay, dowladda Soomaaliya waxaan ka codsana in cadaalad aan ka helo oo si deg deg ah uga qabato askari sida xaqdarada u dilay wiilkeyga” ayay tiri Hooyada dhashay wiilka dhintay Racwi Cismaan.

Mudooyinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaayay dilalka macna darada ah oo ay askarta dowladda Soomaaliya u geysanayaan dadka Shacabka ah haba u badnaadaan dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.

SHARE

LEAVE A REPLY