Hay’adda Duulista Rayidka oo digniin adag u dirtay shirkadaha duulimaadyada dalka

0

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay wargelin iyo digniin ku wajahan shirkadaha Duulimaadka Soomaaliya, taasoo ku aadan in aan la aqbali doonin in la rafaadiyo dadka shacabka ah ee safarka ah.

Shirkadaha ayaa looga digay in 3 saacadood ka badan aysan dadka garoonka ku heyn karin iyo in aan shacabka la balamin karin iyadoo loo heyn diyaaradii ay raaci lahaayeen lana hubin badqabka diyaaradaas.

Arrintaan ayaa kusoo aaday iyadoo shalay dad gaaraya 50 qof ay ku dhibtoodeen garoonka diyaaradaha kadib markii ay isku dayeen maamulka Shirkadda Maandeeq in ay baaqdaan xili saacado badan dadkaas garoonka ku xayirnaayeen.

Maamulka Shirkadda Maandeeq Air ayaa dhankooda sheegay in ay cilad qabsatay oo ay dib uga dhaceen waqtigii ay aheyd in ay rakaabka baxaan, balse markii dambe ay soo farogelisay Hay’adda Socdaalka Rayidka Soomaaliyeed.

Garoonka Aadan Cadde ee magaalada waxaa si weyn loogu bahdila shacabka Soomaaliyeed ee u kala duulaya deegaanada gobolka dalka, maadama waqti badan oo munaasab aheyn lagu dhex haayo gudaha garoonka aadan cadde, taasoo ay u sii dheer tahay in loo sheego mararka qaar waqti dambe iney baaqatay diyaaradii ay raaci lahayeen.

SHARE

LEAVE A REPLY