Guddoomiye Madaale oo si kulul uga hadlay dilal ka dhacay Muqdisho

0

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay dhacdooyin dilal ah oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho oo ay geysteen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in xabsiga ay ku jiraan askar ka wada tirsan dowadda oo dad shacab ah ku dilay gudaha magaalada Muqdisho oo uu u dambeeyay askarigii Shalay Laami yaraha Soobe ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeyaanaayay Mooto Bajaaj.

Wuxuu sheegay in askariga shalay Soobe ku dilay Darwalka Mooto Bajaajta uu ka mid ahaa askar ilaalo u aheyd Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse, islamarkaana askarigaasi uu gacantiisa ku keenay wasiirka uuna haatan xabsiga ku jiro.

Wuxuu sidoo kale sheegay gudoomiyaha gobolka Banaadir in qalad weyn ay tahay in ciidamadii laga rabay sugida amaanka dadka shacabka ah iney iyaga dilaan dadka, wuxuuna sheegay in dhacdooyinka noocaasi ah aysan u dulqaadan doonin oo askrigi qof dila loo dili doono.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiye Madaale ayaa imaanaya, iyadoo ay sii kordhayaan dilalka askarta ka tirsan ciidanka dowladda ay u geysanayaan dadka shacabka ah, haba ugu sii darnaadaane Wadayaasha Mooto Bajaajta magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY