Guddoomiye Jeyte oo Maanta gaaray deegaanka Jiciboow oo shalay dagaalo culus ka dhaceen

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa Maanta gaaray deegaanka Jiciboow oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan oo Shalay dagaalo khasaaro badan geystay ku dhexmareen ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Ujeedada guddoomiye Jeyte iyo Xildhibaanadda Fedaraalka ay u tageen deegaanka Jiciboow ayaa lagu sheegay iney tahay mid lagu dhiiragalinaayo ciidamada Iskaashanaya ee Shalay Al-shabaab deegaankaasi kula galay dagaalkii cuslaa ee qaatay ku dhawaad 12 saacadood ee xiriir ahaa.

Guddoomiye Jeyte oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Jiciboow ayaa sheegay in Al-shabaab ay jabeen, islamarkaana khasaaro badan lagu gaarsiiyay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Jiciboow oo Buulaburte kaga beegan dhanka Waqooyi ilaa 30 KM.

“Al-shabaab way jabeen oo waxay marayaan meeshii ugu dambeysay qof jabayna looma joogsado ee waa la is raaciya, marka waxan leeyahay dadka Soomaaliyeed shabaab waa jabyee halaga faa’ideysto oo haleys raaciyo” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa u mahad celiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa dib u xureynta deegaanka iyo ciidanka Jabuuti oo uu sheegay in Al-shabaab ay shalay kala hortageen dagaalkii xoogana ee waqtiga badan qaatay.

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Jiciboow ayaa lasoo warinaya inuu geustay khasaare aad u xoogan oo gaaray dagaalamayaasha Shabaab, kadib markii buurta deegaankaasi oo la sheegay in Shabaab galeen ay hubka culus ku garaaceen ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

SHARE

LEAVE A REPLY