Guddoomiye Jeyte oo ka dhabeeyay balan qaadkiisa ahaa inuu 5 kun oo doolar siinayo askarigi dila qof Shabaab ah

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta goob fagaare ah oo ku taala degmada Maxaas kula wareejiyay askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad lacag dhan $10.000, kadib howlgal qorsheeysan oo ay shalay kusoo dileen 2 ka mid ah dagaalayahanada Shabaab ee ku sugnaa degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Labada askari ee ka midka ah guutada 5-aad ee xoogga dalka ee sida gaarka u fuliyay toogashada labada askari ee shabaabka ka tirsana ayaa gacanta loo galshay lacagtii uu horay ugu balan qaaday guddoomiye Jeyte ciidanka dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee aheyd askarigii soo dila qof shabaab ka mid ah in la sii doono lacag abaal marin ah oo gaareysa 5000 kun oo doolar.

“Qof walba oo wanaag ka shaqeya waxa uu leeyahay abaal marin iyo dalacsiin, qofkii xumaato ka shaqeeyana waxuu leeyahay ciqaab, marka askarta fulisay howlgalka ay kuso dileen nimanka cadawga ee dhiiga Islaamka baneystay waan u mahadcelinaya wayna mudan yihiin abaal marinta, maadama ay soo qabteen shaqo wanaagsan” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Mid ka mid ah askarta la guddoonsiiyay lacagta abaal marinta ah oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay abaalmarinta la guddoonsiiyay ee uu horay u balan qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan, isagoona ugu baaqay dadka xoolo dhaqatada ah iney ka faa’ideystaan fursada lacagta lagu qaadanayo ee lagu dilayo qof ka mid ah Shabaab.

“Waxaan leeyahay dadka xoolo dhaqatada ah ee maalin walba xoolahooda neef ka mid ah ay ka qaadanan Shabaab, iney soo dilaan kuwa xoolaha ka qaadanaya anagana noo yimaadaan si lacagtoda u qaataan, xoolaha ay heystaan oo neefba mar laga qaadana halkii qof ay soo dilaan ayaa uga lacag badan” ayuu yiri mid ka mid ah askarigii lacagta abaal marinta ah la siiyay.

Goobta fagaaraha ee lacagta lagu guddoon siinaayay askarta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tiraan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo kan Hirshabelle, Saraakiil ciidan maamulka degmada Maxaas iyo Boqolaal dadweyne ah.

SHARE

LEAVE A REPLY