Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Xalay hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharaxiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Musharraxiinta Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ahaa mid ay kaga wada hadleen arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo sidii loo heli lahaa midnimo, islamarkaana la iska kaashan laha howlaha dib u xorreynta ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in guuddoomiyaha Golaha shacabka iyo musharraxiinta ay ku balameen kulan lale oo ay Caawa yeelan doonaan si loo dhameystiro wadahalka la xariira arrimaha dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dadaal dheeraad ah ugu jira sidii uu isugu keeni laha dhinacyada isku maan dhaafsan siyaasadda maamulka Koonfur Galbeed, isagoona sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka reer Koonfur Galbeed, lana xoojiyo kacdoonka dadweynaha ee dalka looga xorreeynaayo Ururka Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY