Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo shaaciyay laba deegaan oo weerar cir iyo dhul ah laga fulin rabo

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa fariin digniin ah u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada ka taliyaan kooxda Al-shabaab, isagoona ugu baaqay iney isaga fogaadaan.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in haatan bartilmaameedka koowaad ee weeraro la xariira cirka iyo dhulka ah laga fulin doono deegaano ay ka mid yihiin Ceel Boore iyo Ceel god, islamarkaana loo baahan yahay in dadka shacabka ah ay isaga fogaadaan deegaanadaasi.

“Sida uu horay ugu dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya deegaanada ay dagan yihiin nimankan shayaadiinta ah ee Al-Shabaab waa in laga fogaado, dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay nimankaa joogaan waa inay ka fogaadaan, qaasatan deegaanada Ceel God, Ceel Boore iyo meelaha la mid ah, waxaa laga fulin doono weeraro cir iyo dhul ah” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ahaa shaqsiga hormuudka u ah gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ku baahay qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa tilmaamay in ujeedkooda uusan eheyn in la dhibaateeyo dadka shacabka ah, islamarkaana sababta hubka ay u qaateen ay tahay sidii loo bad baadin lahaa nolosha dadka Soomaaliyeed.

“Nimankaan Shabaabka waa nooc ka mid ah Fayriska, waxayna rabaan inay dadka ku dhex dhuumaaleystaan, anagana waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed uu badbaado, iyagana aan burburino haddii Alle Idmo” ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii dambe Ururka Al-shabaab ay jab xooggan kala kulmeen howlgalada ka socda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY