Goobo ganacsi oo Soomaali leedahay oo lagu boobay dalka Koonfur Afrkka

0

Wararka naga soo gaaraya magaalĂ da pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaasi Koonfur Afrika iney boob xoogan ka geysteen qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee Soomaalida ku leeyihiin magaalada Pretoria.

Burcada hubeysan ayaa la sheegay iney bastoolado ku weerareen dukaamada ganacsiga ee Soomaalida ka hor inta aysan boobin, islamarkaana rasaas ay ku fureen goobaha ganacsiga dadkii ku sugna, hayeshee lama sheegin cid wax ku noqotay rasaasta.

Kooxaha buracada ayaa qaatay inta badan agabkii iyo dhamaan lacagtii taalay dukaamada ganacsi ay boobeen, sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Pretoria ee dalkaasi koonfur Afrika.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa haatan waxaa soo wajahday cabsi xoogan maadaama maalmihii la soo dhaafay ay kordheen weerarada uga imaanaya Kooxaha burcadda ee u dhalatay dalkaasi koonfur Afrika, iyadoo todobaadkan gudihiisa dalkaasi lagu dilay dalkaas ilaa sadax muwaadin oo Soomaali ah.

Koonfur Afrika waxaa sanad walba ka dhaca dhibaatooyin lagu beegsanayo dadka ajaaniibta ee ganacsiyada ku leh dalkaasi oo ay ugu horeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, islamarkaana lagu boobayo goobaha ganacsi ee dalkaasi ku leeyihiin, waxaana usii dheer intaas dilal iyo dhaawacyo si joogta ah loogu geysto oo aysan jirin cid wax ka qabata.

SHARE

LEAVE A REPLY