Garaad jaamac: Soomaaliland dhulkayaga hanagoo baxaan innagaa u tashanayna

0

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC, ayaa maanta si ballaaran loogusoo dhoweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay ugu dambeeysay sannadkii 2007, xilligaas oo Laascaanood ay la wareegeen Somaliland.

Waxay ahayd soo dhowayntii abid ugu ballaarnayd ee ka dhacda Laascaanood, iyadoo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliyeed ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka magaalada gudaheeda.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo khudbad ka jeediyay fagaaraha bartamaha Laascaanood ayaa waxaa uu Somaliland ku eedeeyay inay ka dambeeyaan dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Laascaanood.

Garaadku wuxuu sheegay Laascaanood inaan mar dambe laga maamuli doonin Hargeysa. Wuxuu sheegay in reer Laascaanood ay yihiin dad waligood usoo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddanaa ay raalli ka ahaandoonin in Soomaaliya la kala gooyo.

“Soomaali kala go’aysaa ma jirto. Waddankayagu ka go’imaayo Soomaaliya. Soomaali baanu nahay. Soomaali baanu ahaandoonnaa. Dhiiggii awoowayaasheen bilaash uma uusan daadan. Wuxuu u daatay in la helo jamhuuriyad Soomaaliyeed oo mid ah. Kuwa maqan ayaan doonaynaa kuwo jooga kala goyn mayno,”ayuu yiri Garaadku.

Wuxuu sheegay Garaadku, Somaliland inaysan wax wada hadal ah la galidoonin illaa ay ka baxaan deegaannada SSC.

SHARE

LEAVE A REPLY