Galmudug oo ku dhawaaqday qorshe ka dhan ah dilalka aanooyinka Qabiil

0

Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in ay ku howlan tahay xal u helista dilalka la xiriira aanooyinka ee intooda badan ka dhaca deegaannada miyiga ah ee Gobolka Galgaduud oo muddooyinkii dambe soo kordhay.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan Dadka ku eedeysan in ay dilal aanooyin ah ay ka geysteen deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud si loola xisaabtamo.

Waxa ay Odoyaasha dhaqanka Beelaha & mas’uuliyiinta kala duwan ee deegaannada inta badan laga diiwaangeliyay dilalka aanooyinka ka dalbadeen in hay’adaha amniga kala shaqeeyaan soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha.

Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay ka dhacday deegaanka Dhabbad oo waxaa dilay 5 carruur oo la sheegay in ay wada dhiganayeen Dugsi qur’aan, Dowlad-Goboleedka Galmudug oo cambaareysay ayaa sii raacisay in ay ku raad-joogto dadkii nafta dhaafiyay

SHARE

LEAVE A REPLY