Gaari ay saarnayeen hogaamiyaal Shabaab ah oo duqeyn lagu burburiyay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdaan gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Masaajid Caliguduud iyo tuulooyin kale oo hoostaga magaalada Jowhar.

Howlgalladan oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka, maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda iyo diyaarado dagaal oo kor ka caawinaya.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymo xoogan oo ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka Turkiga ay weli ka socdaan furimaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada iyo Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in mid ka mid ah duqeymahaas lala beegsaday gaari nooca Hoomeyda ah oo ay la socdeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, xilli ay marayeen agagaarka deegaanka Xawaadley oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay duqeyntaasi ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, balse ma shaacin tiro rasmi ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgallada ka socda halkaasi, gaar ahaan duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaa Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay howlgalka Masaajid Caliguud, waxayna sheegtay in lagu dilay 21 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa garaash iyo guri ay ku shirayeen oo ku yaalla halkaasi, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda

SHARE

LEAVE A REPLY