Faahfaahino kasoo baxaya rabshado ka dhacay magaalada Burco

0

Inta la ogyahay 3 dhalinyaro ah iyo 4 askari ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray booliiska magaalada Burco iyo dhalinyaro dhigayay bannaanbax ay ku taageerayaan go’aamada mucaaradka Somaliland.

Ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa ka hortagay bannaanbaxyo rabshado wata, oo ay xalay xili danbe magaalada Burco ka bilaabeen dhalinyaro la dhacsan go’aamada kasoo yeedhay mucaaradka Somaliland, taasi oo sababtay in isku dhac dhexmaro booliiska iyo bannaanbaxayaasha.

Taliyaha Booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo hadalka mucaaradka kadib warbaahinta la hadlay, ayaa balan qaaday in uu amaanka sugayo, isaga oo sheegay in cidkasta oo fal amni daro ah ku kacda ay booliiska is arki doonaan.

Mucaaradku xalay sidii la filayay kumay dhawaaqin wax mudaharaado ah, taa badal keeda waxay shacabka ku booriyeen in ay nabada ilaaliyaan, iyaga oo sheegay in aanay dhibaato wadin lakiin ay rabaan in wada-hadal khilaafka lagu dhameeyo.

SHARE

LEAVE A REPLY