Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka socda gudaha hoteel ku yaala magaalada Kismaayo

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar mudo kudhow saacad ka socda gudaha hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo, iyadoo uu jiro khasaare xooggan oo ka dhashay weerarkan.

Sida macluumaadka la helayo ay muujinayaan, Qaraxyo Ismiidaamin ahaa ayaa lagu duftay albaabka hoteelka, waxaana intaasi kadib gudaha u galay hoteelka dagaalamayaal Shabaab ah oo si aad ah u hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in Hoteelka la weeraray uu ka socday shir looga tashanayey guluf ka dhan Shabaab iyo siminaar dowladeed, lamana oga xaaladda mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ku jirtay gudaha hoteelka.

Si kastaba, Hoteelka Tawakal waa hoteel qadiimi ah oo ku yaal jidka dekedda aada, si haar ah bariga magaalada oo uu kaga yaalo meel ciriiri ah.

SHARE

LEAVE A REPLY