Duqeyn lagu dilay dagaalamayaal Shabaab ah oo ka dhacday Hiiraan

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay Deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira Degmada Kuntuwaaray Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed lagu dilay in ka badan 20 Dagaalame oo katirsan ‘AS’.

Warka kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in duqeyntaan ay ka gacansiiyeen saaxiibada ka taageera weerrada Cirka ah, iyada oo lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen ‘AS’ laguna burburiyay waa sida hadalka loo dhigay.

Dowladdu waxa ay intaas ku dartay in duqeynta xiligii ay dhacaysay gurigaas ay ku sugnaayeen xubno katirsan ‘AS’ halka sidoo kale lagu diyaarinayay walxaha Qarxa balse weerarkaas dhinaca cirka ah looga hortay sida lagu yiri qoraalka DFS.

“In ka badan 20 Dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Howlgalkaan oo dhacay xalay abaaro Saddexdii habeenimo ayaa waxaa lagu beegsaday laba Guri oo khawaarijtu ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo waxyaabaha qarxa, waxaana howlgalka lagu burburiyey Guryihii Khawaarijta fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen” ayaa lasii raaciyay qoraalka Dowladda.

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa sii kordhay weerrada duqeymaha ah oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka iyo dalalka garabka ka siiya sida Mareykanka, waxaana ujeedka lagu sheegay in laga hortagayo weerarrada ‘AS’ qorsheyneyso.

SHARE

LEAVE A REPLY