Duqa Muqdisho oo faahfaahin cusub ka bixiyay khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa goordhaw oo Maanta ah ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Shalay ka dhacay afaafka hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo ku taala laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo shirjaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay iney socdaan dadaalo gurmad xoogan loogu sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in tirada dadkii ku dhintay qaraxyada ay gaartay 104 qof, islamarkaana dadka dhaawacmay ay gaarayaan 269 qof, halka 6 qof ilaa hada aanan la aqoonsan, isagoona dalbaday in la baadi goobo ehelada dadkaas la aqoonsan la’yahay.

“Waxaa ina soo gaartay sida ay nala wadaagtay waaxda caafimaadka dhaawacu waxa uu gaaraya 269 ayey nala wadaageen, dhimashaduna 104 ayey mareysa oo illaa hadda 6 qof ayaa la aqoonsan dadkoodii, Waxaa leenahay dadka Isbitaalada ha tagaan oo ha fiiriyaan, waxaa rabnaa in aan isku gurmano is kaalmeyno oo is caawino” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Wuxuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha gobolka Banaadir in shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay tagaan Isbitaalada magaalada oo gurmad dhiig u fidiyaan dadka u baahan in dhiig lagu shubo, isagoona amar ku bixiyay in Isbitaalada aysan wax lacag ah ka qaadin dadka qaba dhaawacyada ee waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii Shalay dhacay, islamarkaana maamulka gobolka uu baari doono warar sheegayay in lacago laga qaaday dad doonayey inay dhiig u shubaan dadkii dhaawacmay ee ku jira Isbitaalada.

SHARE

LEAVE A REPLY