Dowladda Soomaaliya: Waxaa socda kacdoon loogu aargudayo dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe

0

Shan sano kadib ayay maanta ku beegan tahay markii uu dhacay qarixii isgoyska Soobe ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 600 oo qof, kumanaan kale ay ku dhaawacmeen.

Gaari xamuul ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayuu qof ismiidaamiye ah oo katirsan kooxda Alshabaab isku qarxiyay isgoyska Soobe, oo ah goob mashquul badan.

Waa qarixii ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee ka dhaca qaaradda Afrikoo oo idil.

Dad badan ayaa ku waayay dadkoodii iyo hantidoodii, kuwa kalena illaa iyo maanta ayaysan kasoo kabanin waxyeeladiisii.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa farriin kooban oo kasoo baxday ku sheegtay, in aan la iloobi doonin dadkii ku dhintay qarixii Soobe. Waxayna sheegtay inuu socdo kacdoon loogu aargudayo dadkii ku dhintay qaraxaas.

‘Xuska 5 sano guurrada qaraxii argigixisada Al-Shabaab ee Zoobe October 14, 2017. Waxaa hubaal ah in aan la iloobi doonin dadkii ku waxyeeloobay iyada uu socdo kacdoon loogu aargudayo dadkeenii dhintay, laguna badbaadinayo inta nool,” ayay tidhi wasaaraddu.

Xuska sannadkan ayaa kusoo aaday, iyadoo markii ugu horraysay uu qeybo kamid ah dalka ka socdo howlgal ay shacabku ka qeyb qaadanayaan oo Shabaab lagula dagaalamayo

SHARE

LEAVE A REPLY