Dowladda Soomaaliya si kulul uga hadashay Kitaab Quraanka Kariimka oo lagu gubay Swedan

0

Dowladda Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay falkii ay mas’uuliyiinta Sweden ugu ogolaadeen nin xag-jir ah inuu ku gubo safaaradda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kutub ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah, Sabtidii January 21.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tani ka dhigan tahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah xurmada diimeed iyo daandaansi lagu hayo dareenka muslimiinta aduunka oo dhan.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa gebi ahaanba wax aan la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda wuxuuna u adeegaa xagjirnimada iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorisay dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.

SHARE

LEAVE A REPLY