Dowladda Soomaaliya oo shaacisay iney dishay in ka badan 300 oo ka mid Shabaab

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka ay ku dishay in ka badan 300 oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in la dilay tiradaasi, kadib howlgallo todobaadkan ka kala dhacay maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

“Waxaa la dilay in ka badan 300 oo ka tirsanaa Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hub iyo gaadiid ay kasoo furteen Al-Shabaab, isla-markaana ay kala wareegeen deegaano horleh.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalladu ay ka billowdeen maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayada oo la sii amba qaado go’aanka ka soo baxay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

SHARE

LEAVE A REPLY