Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay dagaalo khasaare geystay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgallada ay Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ka wadaan gobolada dalka ; khasaaraha ka dhashay dagaalladii u dambeeyay.

War-saxaacadeed ka soo baxay Dowladda ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga iyo Shacabka is abaabulay ay dileen 30 ka mid ah dagaalameyaasha Al-shabaab, lana wareegeen ku dhowaad 15 deegaan

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ku dilay 30 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyey ku dhowaad 15 deegaan

Hawlgalo saf balaaran ah oo lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab ayaa ciidamada xoogga oo garabsanaya xaq dirirka shacabka ee ka kacdoomay falalka arxan darrada ah ee argagixisada waxa ay ka sameeyeen gobalada Galgaduud, Hiiraan iyo Baay.

Hawlgalka Galgaduud: Ciidanka iyo dadka deegaanka ayaa hawlgal qorsheysan kula wareegay deegaanada 1 Ceel la helay 2 Labi-dulle 3 Dhuumoodle, 4 Dhisaqa, 5 Abooreey, 6 Cali wayd
7 Maygaag duub

SHARE

LEAVE A REPLY