Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay dagaal culus oo saakay ka dhacay Hiiraan

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar ku bilowday qaraxyo oo saaka oo jimco ah Al-shabaab ku qaaday deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, halkaas oo Saldhig Ciidan ay ku leeyihiin Ciidanka Gorgor ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay in Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Burdaar ay fashiliyeen weerar gaadma ah oo Al-shabaab soo qaaday.

Afhayeen Gen. Cabdullaahi Caanood ayaa intaas kusii daray in Ciidanka ay heleen xogta weerarka Al-shabaab ee ku wajahnaa Saldhiga Ciidamada, isla markaana laga hortagay weerarka, ayna Shabaabka la dileen 12 dagaalame, waa sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka.

Gen. Caanood ayaa wuxuu xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka ay weerarka kaga dhaawacmeen 3 Askari, hadana ay sii wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaabkii saaka weerarka kusoo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka qaraxyada ah ee saaka Al-shabaab ku qaaday degaanka, sidoo kalena waxaa dhacay dagaal u dhexeeyay dhinacyada, sida ay sheegayaan wararka laga helayo degaanka Burdaar.

SHARE

LEAVE A REPLY