Dowladda Soomaaliya oo 30 sano kadib hawadeeda si buuxda ula wareegtay

0

Maareeyaha hey’adda duulista Somalia Axmed Macalin Xasan ayaa ka warbixiyay sharciga ku saabsan hawada Somalia oo ay la soo waregeen mudo sodon sano ah kadib.

Sharcigaan ayaa waxa uu dhigiyaa in hawada Somalia ay tahay mid amni ah islamarkaana uu kasoo xaroon jiray dhaqaalo badan kaas oo hada dowlada Somalia ay si toos ah u maamuli doonta.

Maareeyaha hey’adda duulista Somalia ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in sharcigaan uu mudo sodon sano ah ka maqnaa gacanta dowlada lkn hada ay dowlada la soo wareegtay islamarkaana uu wax badan u tari doona umada soomaaliyeed.

Amniga hawada Somalia ayaa in muda ah waxaa gacanta ku hayay hey’adda Qaramada midoobe waxaana laga maamuli jiray magalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

SHARE

LEAVE A REPLY