Dowladda oo shaacisay in 200 oo dagaalame looga dilay Al-shabaab dagaalkii Shalay ka dhacay Jiciboow

0

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay dagaal khasaare culus geystay oo ciidamada Xoogga iyo Al-Shabaab shalay ku dhexmaray deegaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan.

Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaciyey in howlgalkan ay sidoo kale qayb ka ahaayeen Macawiisleyda, isla-markaana lagu dilay illaa 200 oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa sheegay inay sii wadayaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo halkaasi.

Deegaanka Jicibow ayaa qiyaastii 25 KM u jira degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana weli halkaas laga daramayaa dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeyo labada dhinac.

SHARE

LEAVE A REPLY