Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarki Xalay kooxda Al-shabaab ay ku qaaday hotel Pearl Beach ee ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaasi ay geysteen 7 ruux oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo qaar ka mid ah ay is qarxiyeen, halka qaar kalana ay toogasho ku dileen ciidanka dowladda.
Qoraal kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka hotel Pearl Beach ay ku geeriyoodeen ilaa 6 ruux oo shacab ah iyo sadax ka mid ah ciidanka dowladda, halka ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale.
Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen iney soo badbaadiyaan dad badan oo ku sugnaa maqaayada hotel Pearl Beech, kuwaas oo ay ku jireen caruur yar yar, haween iyo dad waayeelo ah.
Kooxda Al-shabaab oo war kasoo saartay khasaaraha ka dhashay weerarka hotel Pearl Beach ayaa sheegatay iney ku dileen weerarka 29 ruux iyo dhaawac intaas ka badan.