Dowladda oo Buulaburte u dirtay guddi soo qiimeeya Buundada degmadaasi

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar indha indheyn waxaa ay ku gaareen magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Mudane Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta XFS, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasllinta.

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale  kulammo la yeelanayo saraakiisha amniga ee ka socdo ATMAS, SNA, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.

SHARE

LEAVE A REPLY