Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

0

Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Adan ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay mudane Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Dowladda aan walaalaha nahay ee Masar.

Wasiirka Beeraha Masar Mudane AlQassir oo soo dhoweeyay kulankan ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya ay walaalo yihiin islamarkaana ay dowladda Masar waajib ku tahay in ay garab istaagaan walaalahooda.

Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, Masarna ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka labada dal qayb weyna ka qaadato dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo sheegay in Masar ku deeqayso deeqo waxbarasho iyo tababaro u gaar ah cilmiga badaha iyo kallumeysiga, tababaro badmaaxiin iwm.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa dalka Masar soo dhoweynta wanaagsan ee uu u sameeyay waxaana uu ka sheekeeyey cilaaqaadka taariikhiga ah labada dal isagoo xusay inuu yahay mid soo jireen ah muhiimna ay tahay in wadajir looga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.

Wasiir Ahmed ayaa dhigiisa Masar ka dalbaday in dowladda Masar ay kala shaqayso dowladda Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa Kallumaysiga dalka, loo heli lahaa Maraakiib Kallumaysi, tababaro kor loog qaadayo tayada kalluumeysatada, iyo meelaha kallunka lagu diyaariyo si logo iib geeyo Masar Iyo duniga intiisa kale.

Wasiir Ahmed ayaa u sheegay dhigiisa dalka Masar in dowladda Soomaliyeed danaynayso in ganacsatada Soomaaliyeed loo furo suuqa Masar si ay ugu soo iib geeyaan kalluunka Soomaaliya iyo in laga wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka kalluunka iyadoo laga faa’iideysanayo khibradda iyo aqoonta Masaaridu u leeyihiim Kalluumeysiga isaga oo ka codsaday in Maraakiib Kallumeysi maadaama Masar ka mid tahay waddamada sameeya maraakiibta taasoo qayb ka qaadanaysa qorshaha Qaran ee kobcinta dhaqaalaha dalka.

Ugu danbayn labada wasiir waxay ka wada hadleen sidii loo samayn lahaa shirkad wadaag kalluumeysi (joint ventor) iyagoo ku heshiiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo sameeyo guddi farsamo oo labada dal ah, si ay u soo diyaariyaan dhinacyada la iska kaashan doono.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada beeraha Masar Iyo danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar.

SHARE

LEAVE A REPLY