Dhoobleey ku dhawaad 20 caruur ah oo ugu geeriyootay Shuban biyood

0

Maamulka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaalad caafimaad oo ka taagan gudaha degmadaasi, kadib markii uu ka dilaacay cudurka Shuban-biyoodka.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi, Mudane Mukhtaar Maxamed Sahal oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in illaa 17 qof ay cudurka Shubanka ugu geeriyoodeen Dhoobley, sidoo kalena ay haatan la’il daran yihiin dad kor u dhaafaya illaa 600 oo qof.

Sahal ayaa sheegay in dadkaas ay isugu jiraan, carruur iyo dad da’ ah, wuxuuna tilmaamay in lagu dabiibayo isbitaalka degmada, oo ay sidoo kale daawo gaarsiiyeen ATMIS.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray Jubbaland iyo dowladda federaalka oo uu ka dalbaday inay gurmad caafimaad oo deg-deg ah ay lasoo gaaray isbitaalka degmada Dhoobley.

SHARE

LEAVE A REPLY