Dhimashada Afhayeenkii Shabaab Cali Dheere oo la shaaciyay

0

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa baahisay in Afhayeenkii guud ee Ururka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere inuu u geeriyooday labadii bishaan Oktoobar dhaawaac culus oo kasoo gaaray dagaalo xoogan oo ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan 29-kii bishii lasoo dhaafay.

Wixii ka dambeeyay dagaaladii cuslaa ee dhawaan ka dhacay deegaanka Ceel qooxle oo hoostaga degmada Moqokori  ee gobolka Hiiraan, waxaa si weyn isku soo taraayay wararka sheegaya in Afhayeenkii guud ee Al-shabaab Cali Dheere inuu ku dhaawacmay dagaalo halkaasi ka dhacay oo qaatay saacado badan, hayeeshee haatan warbaahinta ku hadashada afka ciidamada dowladda Soomaaliya ay tabisay inuu Cali dheere u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray dagaaladii Ceel qooxle.

“Xog Muhiim ah oo Warbaahinta Codka Ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Afhayeenka Argagixisada Alshabaab Dhagar Qabe Cali Dheere Axadii lasoo Dhaafay 04:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh. dhexe. Dhagar qabe Cali dheere ayaa maalmahaan Isbitaal la jiifay Dhaawac Culus oo kasoo gaaray Dagaal Ciidanka Xoogga iyo Shacabka Xoreynta Hiiraan ay argagixisada kula galeen 

deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, Khamiistii lasoo Dhaafay oo taariikhdu ay ku beegneyd 29. Sep. 2022” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay bogga warbaahinta ku hadasha afka ciidamada dowladda.

Si kastaba ha ahaatee qoraalkaan lagu daabacay bogga warbaahinta Ciidamada ayaa imaanaya iyadoo dowladda federaalka aysan war rasmi ah kasoo saarin geerida Cali dheere waxaana dowladda fedaraalka marka xubin sare laga dilo kooxda Al-Shabaab ay inta badan soo saari jirtay qoraalo rasmi ah oo lasoo mariyo wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana xusid kusan in saddex maalmood kahor, qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta in lagu sheegay in duqeyn lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa aas aasayaashii kooxda Al-Shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY