DEG DEG:- Ruushka oo ku hanjabay inuu azeegsan doono Nucleir hadii Ukrian….

0

Dowladda Ruushka ayaa u muuqata mid guul-darro kala kulantay duullaamnkii ay ku qaatay dalka Ukraine, waxaana Ruushka dalkaasi uga geeriyooday kumanaan askari ,halka sidoo kale looga bur buriyay hub aad u badan.

Ciidamada Ukraine oo garab iyo gaashaan milatari ka helaya dowladaha hubnaha ka ah NATO ayaa sameeyay dagaalo rogaal celis ah, waxa ayna dowladad Ruushka cabsi badan ka qabtaa in dagaaladaasi mar kale khasaaro badan uu kasoo gaaro.

Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitri Medvedev ,haddana ah gudoomiye ku xigeenka Golaha Amniga Ruushka oo uu gudoomiye ka yahay madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in suurtogal tahay in ay adeegsadaan hubka halista badan ee Nukliyeerka.

Waxa uu sheegay Dmitri Medvedev haddii ciidamada Ukraine ay soo rogaal celiyaan ayna soo galaan dhulkooda in ay ku qasbanaan doonaan ciidamada Ruushka in ay adeegsadaan hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

“Qiyaas haddii weerarka, oo ay taageerayso NATO uu noqdo mid guuleysta, isla markaana ay soo galaan dhulka yaga, markaa dabadeed waan ku qasbanaan doonnaa inaan isticmaalno hubka niyukleer ka iyadoo la eegayo wareegtada madaxweynaha Ruushka” ayuu yiri Dmitri Medvedev.

Dowladda Ruushka ayaa marar badan ku hanjabtay in ay adeegsan doonto hubka nukliyeerka, waxaana horey Ruushka loogu eedeeyeen in dagaalka Ukraine u adeegsadeen hubka kiimida leh.

SHARE

LEAVE A REPLY