DEG DEG:- Dhaqdhaqaaqii guud ee magaalada Baledweyne oo goordhaw gabi ahaanba istaagay

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw gabi ahaanba uu istaagay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii kala duwana ee ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka, islamarkaana wadooyinka waa weyn lasoo dhoobay ciidamo aad u farabadan.

Arrintaan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay xaqiijinta amniga gudaha magaalada Baledweyne oo la filayo in saacadaha soo socda gaaraan, halkaasi wafdi balaaran uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay safaro la xariira kormeerka furimaha hore ee howlgalada ka dhanka ah Shabaab ku tagay deegaano ka kala tirsan Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Qabanqaabada soo dhaweeynta loogu jiro wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa garoonka Ugaas Khaliif ee magaaalada Baledweyne oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baledweyne.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan ee Magaalada Baledweyne ayaa la tilmaamaya iney qeyb ka tahay dhagax dhiga xarunta Madaxtooyada maamulka ee gobolka Hiiraan oo dhawaan ku bur burtay qaraxyadii ka dhacay Baledweyne, iyadoo ay xusid mudan tahay in madaxweynaha uu Maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta madaxtootada maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

SHARE

LEAVE A REPLY