DEG DEG:- Dagaal culus oo ka socda deegaanka Ceeldheere

0

Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ku yaala xaduuda ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in daqiiqado kooban ka hor uu halkaasi ka bilawday dagaal aad xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo Ururka Al-shabaab

Dagaalkan ayaa bilaawday kadb markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga ciidamada dib u xureynta deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Ceeldheere.

Waxaa lasoo warinaya in dagaalka ka socda Ceeldheere inuu yahay mid aad culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana jugta hubka la isku adeegsanaayo laga maqlayo meelo aad uga fog fog deegaanka uu dagaalka ka socdo.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa laga soo warinaya dagaalka ka socda Ceeldheere, hayeeshee si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka haatan ka socda deegaankaasi.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

SHARE

LEAVE A REPLY