DEG DEG:- Dagaal culus oo haatan ka socda duuleedka magaalada Baledweyne

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Maxamed Xasan oo dhinaca Koonfureed kaga beegaan magaalada Baledweyne qiyaas ahaan 22 KM ayaa lagu soo waramaya inuu haatan halkaasi ka socdo dagaal Culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab oo la tilmaamay in habeenimadi Xalay si dhuumaaleysi ah ku yimid deegaanka Maxamed Xasan ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka, waxaana haatan meelo ka fog fog halka uu dagaalka ka socdo laga maqlayaa jugta hubka culus oo ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Qof ka mid ah dadka ku sugan deegaanka Beerxaano oo la hadlay ayaa inoo sheegay in dagaalka u yahay kii ugu xooganaa oo ka dhaca nawaaxiga deegaanada Baardheere, Beerxaano iyo Maxamed Xasan.

“Walalow waxaan maqalna hubka noocyadiisa culus laba jug oo aad xoogana waan maqalnay iney Ismiidaamin tahay iyo in kale ma hubo rasaastana way socota wali, dadkii deegaanka lagu dagaalamayo iyo deegaanada u dhaw dhaw waxay u carareen dhanka Buurta” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Maxamed Xasan, maadama uu wali dagaalku yahay mid socda oo marba marka ka dambeysa sio xoogeysanaya.

Xubnaha Al-shabaab ayaa lagu soo waramaya iney godod waa weyn ay xalay ka qoteen Waadiga Tabantaab, halkaas oo ah goobta uu dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

SHARE

LEAVE A REPLY