DEG DEG:- Ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan oo goordhaw dagaal Culus kula wareegay deegaanka Ceelhareeri

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo barqanimadii Maanta ku dhexmaray deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahanada ciidanka dib u xureynta deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanka Ceelhareeri oo u dhaxeeya deegaanka Tardo iyo degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegalsaday hubka noocyadiisa kala duwana, islamarkaana geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay ka war heleen xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaanka Ceelhareeri, taasina ay keentay inay weeraraan si ay uga hortagaan weerarka ay qorsheeyeen Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan ayaa sheegaya in ciidamada dib u xureynta deegaanka ay la wareegeen deegaanka Ceelhareeri, islamarkaana sidoo kale goordhaw deegaankaasi ay gaareen gurmad ciidan oo aad u xoogan oo ka baxay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY