DEG DEG:- Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya deegaanka Ruunirgood

0

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa lasoo warinaya iney kaabiga ku hayaan deegaanka Ruunirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa labadii cisho ee lasoo dhaafay howlgalo culus ka waday nawaaxiga deegaanka Ruunirgood oo la tilmaamay iney tahay deegaanka kaliya ee Al-shabaab haatan kaga sugan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaan oo la hadlay qaarkood warbaahinta qaranka waxay sheegeen in saacadaha soo socda ay gudaha u gali doonaan deegaanka Ruunirgood oo ay haatan ciidamada ka wadaan wadooyinka gala arrimo la xariira miino baaris oo ay tilmaameen in Al-shabaab ku aaseen wadooyinka miinooyon farabadan ayna ku guuleysteen in qaarkood ay soo saareen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha weli ka bar bar dagaalamaya Al-Shabaab iney isku soo dhiibaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay weli ay fursad u heystaan inay isa soo dhiibi karaan.

Hadii ciidamada iskaashanaya ay si buuxdo gacanta ugu dhigaan deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxay ka dhigan tahay in Al-shabaab laga saaray guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY