Darawal Mooto Bajaaj oo goordhaw lagu dilay degmada Balcad

0

Askari ka tirsan ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu goordhaw ku dilay barkoontarool oo ku taala degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe mid ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.

Darawalka Mooto Bajaajlaha ee lagu dilay isbaarada Garasdeele ee degmada Balcad ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Taliye Cariif oo saakay safar kaga soo baxay Tuulada Carafaag oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Askariga geystay dilka Darwalka Bajaajlaha ayaa la sheegay inuu isaga baxsaday goobta, waxaana qof goobta ka ag dhawaa uu warbaahinta u sheegay in xilliga la dilayay Marxuumka Cali Taliye iney Mootada u saarnaayeen laba askari oo aan wax talaabo ah qaadin markii la dilay darawalkii Mootada ku waday.

Majirto war rasmi ah oo laga helay sababta ka dambeysa dilka Darwalka Mooto Bajaajlaha ah, hayeeshee warar hordhac ah ayaa la tilmaamaya in la isku fahmi waayay lacag la weydiiyay darwalka dhintay.

Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah meelaha ugu badan oo ay yaalaan isbaarooyinka sharci darrada ah, waxaana horay dilal loogu gaystay darawalo ka shaqeynayay gaadiidka isaga goosha magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY