Dagaalka Laascaanood oo maalintii Shanaad galay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maalintii Shanaad uu galay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka saaka oo ka qarxay duleedka magaalada, halkaasoo weerar lagu qaaday saldhig Ciidanka Somaliland ee halkaasi ku lahaayeen ayaa sheegaya iney ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux oo labada dhinac ah.

Ciidanka Somaliland ayaa dhankooda wada madaafiicda ay ku garaacayaan magaalada, dadkii tirada yaraa ee ku harsanaa magaalada ayaa bilaabay iney qaxaan, iyagoo ku andacoonaya in xaalada ay ka sii dareyso marba marka ka sii danbeyso.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa gelinkii danbe ee shalay eheyd mid dagan, maadaama aaney wax dagaalo ah dhicin, balse xiliga salaadii subax ee saaka ayey rasaasta dib u bilaabatay, iyadoo khasaaraha uu sii kordhayo.

Somaliland ayaa ka dhega fureysatay baaqyada caalamiga ah ee ku aadan iney xabada joojiso, wadahadalna ku dhameyso muranka taagan, waxaana gurmadyo kala duwan lala gaaray dadka ku nool Laascaanood ee u dagaalamaya in Somaliland deegaanadooda ay isaga baxdo.

SHARE

LEAVE A REPLY