Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay deegaanka Ceel bacad

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ku dhexmaray deegaanka Ceel bacad ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ka dhacay Ceel bacad ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga deegaanka Ceel bacad ay ku leeyihiin ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Deegaanka Ceel bacad oo ah deegaan ku yaala xadka kala qeybiya gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa lasoo wariyay in dagaalka ka dhacay uu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana dhawaqa iyo daryanka hubka la isku adeegsanaayay dagaalka laga maqlaayay deegaano ka fog fog halka uu dagaalka ka dhacay.

Jenaraal Maxamed Axmed Tareedishe oo ka mid ah saraakiisha hoggoomineysa howlagalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in dagaalka Al-shabaab ay kaga dileen ugu yaraan 9 ka mid ahaa dagaalamayaashooda, islamarkaana dhankooda ay dagaalka kaga geeriyootay 5 ruux.

Wuxuu sidoo kale sheegay Jenaraal Tareedishe in ciidamada dowladda iyo kiwa dadka deegaanka ay wali gacanta ku hayaan deegaanka Ceel bacad oo ay iska caabiyeen weerarkii kaga yimid kooxda Shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-shabaab oo ku aadan dagaalkan ka dhacay deegaanka Ceel bacad oo ku yaala xadka ay wadaagaan Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

SHARE

LEAVE A REPLY