Dagaal dhexmaray Shabaab iyo Liyuu Booliis oo lagu hoobtay

0

Wararka laga helayo gobolka Bakol ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyeey ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka iyo xoogaga Shabaab, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay tuulada Quracle oo hoostagta deegaanka Washaaqo oo dhaca xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalkan, wuxuuna mid kasta shaaciyey inuu khasaare gaarsiiyey midka kale, sida lagu sheegay qoraallo ay shaaciyeen labada dhinac.

Al-Shabaab waxa ay baahisay in dagaalkan ay ku dishay ugu yaraan illaa 50 askari oo ka tirsanaa ciidanka Liyuu Boolis, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale kooxda ayaa shaacisay magacyada qaar ka mid ah saraakiisha ay sheegeen inay dileen, waxayna kala yihiin Janaraal Saliid, Korneyl Dhigane iyo Korneyl Cabdirisaaq, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara warkan marka laga tego sheegashadooda.

Dhanka kale ciidamada Liyuus Boolis ayaa shaaciyey inay khasaare culus gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay.

SHARE

LEAVE A REPLY