Dagaal culus oo haatan ka socda deegaano hoostaga magaalada Baledweyne

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab oo haatan ka socdo deegaanada Tabantaab iyo Maxamed Xasan oo qiyaas ahaan dhinaca Koonfureed ee magaalada Baledweyne uga beegan 25 KM.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii ciidamada db u xureynta deegaanka ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo kasoo gudbay wabiga Shabeelle oo halkaasi isku aruursanaayay.

Dagaalka ayaa socda ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah, kadib markii labada dhnac ay kala heleen gurmadyo ciidan oo ku biiray dagaalka oo ah mid aad u xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan laga maqlaayo meelo ka fog fog halka uu dagaalka ka socdo, waxaana lasoo warinaya khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno deegaanada Tabantaab iyo Maxamed Xasan ayaa sheegaya in dagaalka uu haatan ku faafay deegaano hor leh oo dhaxeeya Beerxaano iyo Baardheere, islamarkaana u dagaalka marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanaayo

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan

SHARE

LEAVE A REPLY