Colaada ka jirta Suudaan oo saameyn cusub ku yeelaneysa Soomaaliya

0

Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya  gargaarka ayaa walaac xooggani ka muujiyay in xaaladda colaadeed ee ka jirta dalka Suudaan ay Caqabad ka noqon karto ka jawaabida hawlaha gargaarka ee Soomaaliya.

Qaar badan oo kamid ah hay’adaha samafalka ayaa laga yaabaa inay u weecdaan dhinaca dalka Suudaan, halkaas oo ay ka abuurmeen xeryo badan oo barakacayaal ah oo ay ku sugan yihiin kumanaan kamid ah dadkii ku baracay colaadda Sudan, kuwaas oo haatan u baahan gargaar degdeg ah.

Wabixin wadajir ah oo ay saareen hay’adda FOA iyo hay’ado kale ayay ku sheegeen in  ay qatar ku sugan yihiin ku dhawaad 6.6 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya.

Hay’aduhu waxay sheegeen in la saadaalinayo inay dadkani la kulmaan heerar sare oo cunto yari ah hadda ilaa Juun 2023, gaar ahaan barakacayaasha Muqdisho, Baydhabo iyo Buurhakaba.

Hay’aduhu waxay tilmaameen in Muqdisho kaliya ay hoy u tahay ku dhawaad 400,000 oo barokacayaal ah, taas oo ah in ka badan saddex meelood meel barakacayaasha ku nool guud ahaan Soomaaliya.

Sida FOA sheegtay, dhawr arrimood oo macluusha sabab u ah waxaa ka mid ah  nabadgelyo-xumada sii socota ee abuuraysa barakacayaasha, qiimaha cunnada oo weli ka sarreeya celceliska shanta sano, iyo saamaynta abaarta daba dheeraatay oo hoos u dhigay wax soo saarkii dalka.

SHARE

LEAVE A REPLY