Ciidanka oo gacanta ku dhigay nabadoono ka tagay deegaanada Shabaab

0

Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa waxay shaacisay in la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay kooxda Alshabaab.

NiSA waxay sheegtay in tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayo cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay Alshabaab ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.

Dhinaca kale, Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay dadkan, ayaa ku sheegay inay yihiin todobo qof oo isugu jira nabadoono, haween iyo ganacsato, kuwaas oo tagay deegannada Alshabaab, kadib markii ay ajiibeen amar kasoo baxay kooxda Alshabaab.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in todobadaan qof farriin loosoo dhiibay islamarkaana ay jebiyeen go’aankii dowladda ee ahaa inaan loo tegi karin Alshabaab.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamadda qalabka sida, Maxamed Cabdullaahi Khaliif, ayaa sheegay in maxkamad lasoo taagidooono, laguna qaadidoono shareecadda Islaamka. Wuxuu sheegay in la dambi yihiin Alshabaab dadka laynaya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh ayaa dhawaan ka digay in la adeeco awaamiirta Alshabaab. Isagoo sheegay in dowladda tallaabo ka qaadayso cid kasta oo Alshabaab danaheeda fulisa.

Soo qabashada dadkan ayaa kusoo aaday xilli qeybo badan oo kamid gobolada dalka uu ka socdo howlgallo Alshabaab looga xoraynayo deegaannada ay ku sugan yihiin.

15 sano kadib, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa macaawisleyda ayaa Alshabaab ka xoreeyay deegaano badan muddo kooban gudaheed.

SHARE

LEAVE A REPLY