Ciidanka dowladda oo sheegay in howlgal qorsheysan ku dileen laba sarkaal oo shabaab ka tirsan

0

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaanka Dhurseen oo ku yaala Waqooyiga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidanka dowladda ee howlgalada qorsheysan ka filiyay deegaanka Dhursheen oo 35 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Xudur ayaa la sheegay in halkaasi ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada ka tirsan taliska guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa waxay sheegeen in howlgalka lagu dilay laba Sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Mooragaabeey iyo Cali Garweyne, kuwaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa go’doominta degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaabka ku suga deegaanada gobolka Bakool ilaa ay go’adoonka ka qaadayaan degmada Xudur oo ka mid ah degmooyinka ay go’doomiyen kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkaan ciidamada dowladda ay ku dileen labada sarkaal ee ka tirsana Ururka Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe deegaano ka tirsan Bakool laga dareemaayay abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabaab gobolka Bakool.

SHARE

LEAVE A REPLY